Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland Maxamed Diiriye Gama’diid ayaa ka qeyb-galay Xaflada qalin-jabinta Dufcadii 22-aad ee Dugsiga Sare ee Gambool Garoowe oo ka dhacday Jamacada Barriga Africa.

Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dawladda, Maamulka Gobolka Nugaal, maamulka Dugsiga Gambool.

Wasiirka ayaa hambalyo iyo boggaadin u soo jeediyey ardayda dhammeystay Dugsiga Sare ee Gambool, maamulka iyo macalimiinta Dugsiga iyo sidoo kale waalidiinta ku soo tabacday ardaydaasi, wuxuuna Alle uga baryey ardayda inuu ku anfaco cilmiga ay barteen, waxa uu uuna kula dar-daarmay inay sii waddan Waxbarashadda meel wanaagsana ka gaaran.

DHAMMAAD –