Iyadoo la tixgelinayo talada ay soo gudbiyeen xafiisyada ay khuseyso, islamarkaana la fulinayo go’aanka Madaxda Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland, waxaa dhammaan mas’uuliyiinta waxbarashada ee gobollada iyo degmooyinka Puntland lagu wargelinayaa in la muddeeyey xilliga imtixaannada naqliga iyo shahaadiga ee sannad dugsiyeedkan.