Garoowe, Maajo 10, 2024; Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa soo gabagabaysay diyaarinta, tababarka iyo diiwaan-gelinta kormeereyaasha iyo ilaaliyaasha Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Puntland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) oo ay wehelinayeen Guddoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal iyo Madaxda Xafiiska Imtixaanaadka ayaa kula dardaarmay Kormeereyaal iyo Ilaaliyaal imtixaan oo lagu diiwaan geliyey Garoowe in ay sida ugu wanaagsan uga soo dhalaalaan masuuliyaddan loo xilsaaray, maadaama ay taabanayso mustaqbalka ubadka iyo ardeyda Puntland.
Agaasimaha ayaa sheegay in macallimiinta lagu soo xushay aqoontooda, tayadood iyo masuuliyaddooda, waxa uuna adkeeyey tallaabooyinka adag ee sannadka lagaga hortagayo qishka, kuwaas oo horseedaya la xisaabtan adag iyo dabagal joogta ah.
DHAMMAAD