Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland Maxamed Diiriye Gama’diid oo uu wehliyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa xarriga ka jaray Xarunta Imtixaanada Caalamiga ah ee Dugsiyada Sare, International General Certificate of Secondary Education ( IGCSE) ee Rays Modern Academy ( Qardho)

Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa kala qeyb-galay Xildhibaano, Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmadda Qardho, Maamulka Dugsiga Rays iyo marti sharaf kale.Wasiirka ayaa boggaadiyey hirgelinta markii ugu horaysay Puntland laga hirgeliyo Xarunta Imitxaanadka Caalamiga ah ee IGSE taas oo sidoo kalena noqonaysa Xarunta 2aad ee guud ahaan dalka Soomaaliya.

DHAMMAAD –