Garoowe, Abriil 22, 2024; Madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Dalladaha Waxbarashada iyo qaar ka mid ah Maamuleyaasha Dugsiyada Sare ee Puntland oo kulan ku yeeshay Xarunta Wasaaradda ee Garoowe ayaa isla qaatay xoojinta hannaanka sugidda imtixaanaadka, wacyigelinta iyo ka-hortagga qishka.
Shirkan oo uu guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Mudane Fu’aad Abshir Axmed, ayna wehlinayaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Diiriye Gama’diid, Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha ku xeeran imtixaanaadka, dib u qaabaynta nidaamka natiijooyinka ee ardaydu ay kaga gudbi karaan sannad dugsiyeedkan iyo hannaanka sixidda imtixaanaadka.
Wasiir Hon. Fu’aad Adeer ayaa tilmaamay mudnaanta dowladda Puntland ay siinayso sugidda imtixaanaadka iyo adkaynta daah-furnaanta natiijooyinka, waxa uuna sheegay in si adag loola xisaabtamayo ardayda, maamulka iyo macallimiinta lagu helo falal la xiriira qishka iyo masuqmaasuqa imtixaanka.
Dhankooda, Maamuleyaasha Iskuullada iyo Dalladaha Waxbarashada Puntland ayaa soo bandhigay caqabadihii ay la kulmeen sannadihii la soo dhaafay ee dhanka imtixaanaadka iyo tallaabooyinka la qaaday, iyagoo ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradda qorshaha cad ee lagu sugayo hannaanka imitaaxaanaadka Puntland.Kulanka waxaa goob joog ku ahaa Hoggaanka Waaxda Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada iyo khubaro ka shaqeeya Arrimaha Waxbarashada Puntland.
DHAMMAAD