Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cali Faarax (Biligsay) iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa kulan la qaatay Madaxda ugu sarraysa Hay’adda arrimaha badbaadinta carruurrta ee Save the Children, kuwaas oo soo gaaray Puntland.
Wasiir Fu’aad, Madaxda kale ee Wasaaradda iyo masuuliyiinta heer xarun dhexe, Puntland iyo heer Soomaaliyeed ee Hay’adda Save ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta Labada dhinac, hagaajinta hannaanka wada xiriirka iyo kor u qaadista korjoogteynta shaqada, iyadoo la isla qaatay in lagu saleeyo barnaamijyada la fulinayo qorshaha dowladda Puntland ee dhanka Waxbarashad.
Kulanka waxaa ku matalayey dhinaca Hay’adda Save the Children; Charlotte – La-taliyaha Sare ee Arrimaha Waxbarashada, Xarunta Dhexe ee Norway, Aster – Madaxa Barnaamijyada Caalamiga ah ee Xarunta Dhexe, Camilla – Lataliyaha Farsamada Waxbarashada – Xarunta Dhexe, Mengistu Koricha- Madaxa Waxbarashada Xafiiska heer Soomaaliyeed, Fartuun Cali – Agaasimaha Barnaamijka NoradIyo Cabdiqani Daahir – Maamulaha Barnaamijka Waxbarashada heer Puntland.
DHAMMAAD