MADAXDA WASAARADDA OO WARBIXIN SIIYEY GUDDIGA BAARLAMAANKA EE ARRIMAHA BULSHADA

Garoowe, Juun 12, 2024; – Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta ee Golaha Wakiillada Puntland.
Kulanka oo ay Wasaaradda uga qeyb-galeen Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Fu’aad Abshir Axmed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Diiriye Gamaadiid, Wasiiru-Dowlaha Mudane Cabdisalaan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa waxay guddiga la wadaageen waxqabadka, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira.
Ujeeddada kulan ayaa ahayd isbarasho iyo la socoshada hannaanka shaqo Hay’adaha Dawladda, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland iyo xeerarka kale ee dalka.
-DHAMMAAD-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
Puntland, Soomaaliya.