Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa tababar u soo xiray Kormeereyaasha Waxbarashada Puntland, kuwaas oo qiimeyn iyo la socod ku sameynaya tayada waxbarashada, macallimiinta, ardeyda iyo maamuleyaasha Puntland.
Agaasime Jubba oo uu wehelinayey Madaxa Waxbarashada Hay’adda UNICEF ee Puntland Mudane Siciid Maxamed Xasan ayaa kula dardaarmay Kormeereyaashan oo loo diray dhammaan gobollada Puntland in ay sida ugu wanaagsan uga soo dhalaalaan masuuliyaddan loo xilsaaray, maadaama ay taabanayso mustaqbalka ubadka iyo ardeyda Puntland.
Agaasimaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo kormeerrada lagu sugayo in goobaha waxbarashada Puntland ay noqdaan kuwo ku habboon ardayda, lana xaqiijiyo hannaanka dhigista manhajka, tayada macallimiinta iyo maamuleyaasha.
DHAMMAAD