HOGGAANKA WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND OO KULAN LA QAATAY MADAXDA HAY’ADDA CAALAMIGA AH EE CARE
Garoowe, May 06, 2024; Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed oo ay weheliyaan Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudne Maxamdd Diiriye Gamadiid, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cali Faarax (Biligsay) iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa kulan la qaatay Madaxda Hay’adda Care International ee Puntland.
Madaxda Wasaaradda iyo masuuliyiinta Hay’adda ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta Labada dhinac, hagaajinta hannaanka wada xiriirka iyo kor u qaadista korjoogteynta shaqada iyo hoggaaminta ee Wasaaraddu ay leedahay, iyadoo la isla qaatay in lagu saleeyo barnaamijyada la fulinayo qorshaha dowladda Puntland ee dhanka Waxbarashad.
Madaxda Hay’adda Care oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin qorsheyaasha horumarinta Waxbarashada Puntland ayaa uga mahadceliyey Madaxda Wasaaradda Waxbarashada Puntland kulankan iyo wada-xaajoodyadan miro-dhalka ah.
-DHAMMAAD-